Sign in to follow this  
Deeq A.

Maxkamadda Sare Somaliland Oo Siidaysay Sheekh Aadan Sunne Oo Xidhnaa Illaa 2017-kii

Recommended Posts

Deeq A.   

(SLT-Hargeysa)-Maxkamadda sare ee Somaliland ayaa siidaysay Sheekh Aadan Cabdiraxmaan Warsame (Sheekh Aadan-Sunne) oo ka mid ah Culimada Somaliland iyo dhallinyaro kale oo la xidhnaa.

Sheekh-Aadan-Sunne.jpg

Sheekh Aadan-Sunne oo Ciidammada Boolisku xidheen dabayaaqada Sannadkii 2017-kii, ayaa saaka la hor-geeyay Maxkamadda sare, taasi oo soo saartay Amar ah in la siidaayo Sheekha iyo dhallinyarada.

Go’aankan oo ay maxkamadda Sare gaadhay ayaa loogu ogolaaday Sheekha iyo Dhalinyaradaaasi in xorriyadooda loo soo celiyo, Halka laba kale oo la xidhnaa iyagana Kiiska laga khafiifiyay.

Sheekh ayaa dhawr jeeroo hore Xabsiga la dhigay, hase-yeeshee Markan u danbaysay oo ay qabashadiisu ku beegnayd Dabayaaqadii sanadkii 2017Kii waxa uu ahaa wakhtigii ugu dheeraa ee xidhnaado.

Dhallinyarada iyagana xorriyadooda loo soo celiyey, ayaa xilligii la qabtay ee la xidhay waxa uu Boolisku sheegay inay goob ku taalla Koonfurta Hargeysa ay ku qaadanayeen Tababbar Ciidan.

Source

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this