Sign in to follow this  
Deeq A.

Khasaaro ka dhasay dagaal ka dhacay G/Mudug

Recommended Posts

Deeq A.   

Gaalkacyo (SMN) – Fahfaahino dheeraad ah ayaa kasoo baxaya dagaal khasaaro geystay oo ka dhacay degaanka Afbarwaaqo ee gobolka Mudug.

Iska hor-imaadka ayaa wuxuu u dhaxeeyay maleyshiyo beeleed kasoo kala jeeda maamuladda Galmudug iyo Puntland.

Maxamuud Cilmi Gulaafe, taliye ku xigeenka bileyska gobolka Mudug ee Galmudug, ayaa sheegay in dagaalka ku dhinteen 15 ruuxa.

Mr Gulaafe ayaa tibaaxay in uu jiro khasaaro dhaawac oo labada dhinac soo kala gaarey, wallow uusan xusin tiradda dhabta ah.

Inta badan dagaaladda noocaan ah ee ka dhaca goboladda dalka ayaa waxay salka ku hayaan anooyin qabiil, dhul beereed iyo baaqsiin xoolo.

View the full article

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this