Sign in to follow this  
Deeq A.

Kenya oo amar kusoo rogtay duulimaadka Kismaayo

Recommended Posts

Deeq A.   

Nairobi (SMN) – Hay’adda Duulimaadka Rayidka ee Kenya ayaa joojisay duulimaadka tooska ah ee magaalooyinka Kismaayo iyo Nairobi.

Mas’uul u hadlay hay’addaas ayaa sheegay in diyaaradaha looga baahan yahay in ay soo maraan Wajeer si hubin amni loogu sameeyo.

Dhinaca kale, maamulka Jubaland ayaa illaa iyo haatan wuxuusan ka jawaabin amarka kasoo baxay xukuumadda Nairobi.

Talaabadan ayaa kusoo aadeysa iyadda oo dowladda fartay diyaaradaha tegaya ama kasoo baxaya Kismaayo in ay soo maraan Muqdisho.

Garoonka diyaaradaha caasimadda ku meel gaarka Jubaland ayaa kamid ah ilaha dhaqaale ee ugu muhiimsan dowlad-goboleedkaas.

View the full article

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this