Sign in to follow this  
Deeq A.

Kiiska dilkii Almaas Elman oo laga furayo Golaha Shacabka ee BF

Recommended Posts

Deeq A.   

Muqdisho (Caasimadda Online) – Warar naga soo gaaraya golaha shacabka ee baarlamaanka federaalka ah ayaa sheegaya in loo yeeray labo wasiir oo xukuumadda federaalka ah ka tirsan si wax looga weydiiyo arrimo la xiriira amniga dalka oo ay ku jirto dilkii Almaas Elman oo 20-kii bishii hore lagu dilay gudaha xerada Xalane ee garoonka Aden Cadde, magaalada Muqidisho.

Xildhibaanno ka tirsan golaha oo mooshinka ka keenay wasiirrada si wax looga weydiiyo haweeneydan sidoo kale heysatay dhalashada Canada ayaa diyaariyey weydiimo arrimahaasi la xiriira, lama oga in qoyska Elman ay fadhiga iman-doonaan iyo in kale.

Wasiir amniga qaranka Maxamed Ducaale Islow iyo wasiirka duulista Maxamed oomaar ayaa lagu wargeliyey in axadda yimaadaan golaha shacabka si su’aalo loo weydiiyo.

24-kii bishii hore, wasiirka amniga gudaha Maxamed Abukar Islow oo ay la socdeen Taliyaha Ciidanka Booliska Soomaaliya Cabdi Xasan Maxamed Xijaar iyo Taliyaha hay’adda Socdaalka Maxamed Aadan Jimcaale (Koofi)  ayaa lagu diiday warbixin ay siin rabeen guddiga joogtada ah ee golaha shacabka iyada oo loo balamiyey kulanka weyn.

Sidoo kale wasiiradaan ayaa la filayaa in wax laga waydiiyo xayiraadii la saaray madaxweynayaashii hore ee Soomaaliya Shiikh Shariif iyo Xasan Shiikh oo loo diiday safaro ay ku aadi lahaayeen Kismaayo iyo Beledweyne.

Waxaa sidoo kale wax laga waydiin doonaa sababihii keenay in Xayiraad la saaro garoonka Diyaaradaha Magaalada Kismaayo oo laga joojiyey dhammaan duulimyaadyadii tooska ahaa marka laga reebo qaar yar oo u baxo dalka Kenya.

Wasiiradaan ayaa dhawr jeer oo hore looga yeeray Baarlamaanka mana suurta gelin, waxaana la filayaa markaan inay Axadda hor tagaan isla markaasna halkaas su’aalo adag lagu waydiiyo.

 

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this