Deeq A. Posted December 5, 2019 Muqdisho (SMN) – Ciidamadda ammaanka dowladda federaalka ah ee Soomaaliya ayaa waxay dhaqdhaqaaq ciidan ay kawadaan gobolka Shabeellaha Hoose. Howlgalka ayaa si gaar ah uga socda degaanka Awdheele, siddaay xaqiijiyeen saraakiil dhanka amniga ah oo u waramay Shabeelle. Dhaqdhaqaaqa ayaa kusoo aadaya kadib markii shalay uu halkaas ka dhacay qarax lagu dilay gudoomiyihii degaankaas, Maxamed Yarow. Xarakadda Al-Shabaab ayaa sheegatay mas’uuliyadda falkaas oo ka dhacay inta udhaxeysa Awdheegle iyo Sabiib oo isla degaankaas ka tirsan. View the full article Share this post Link to post Share on other sites