Deeq A. Posted December 5, 2019 Muqdisho (SMN) – Golaha Shacabka baarlamaanka Soomaaliya ayaa u yeeray qaar kamid ah Golaha Wasiiradda waddanka. Maxamed Mursal Cabdiraxmaan, afhayeenka Aqalka Hoose, ayaa xusay in wasiiraddana ay haystaan muddo shan casho ah. Wasiiradda sida gaarka ah uu farta ugu fiiqay ayaa waxay kala yihiin; Amniga Gudaha iyo Duulista Hawadda. Ujeedada ugu weyn oo ay ugu yeerayaan ayaa wuxuu ku sheegay in ay kala xisaabtamaan shaqooyinka ay dalka u hayaan. Xildhibaano ka tirsan Aqalka Hoose ayaa la sheegayaa in ay dalbanayaan in Wasiiradaan hor-yimaadaan Golaha Shacabka. View the full article Share this post Link to post Share on other sites