Sign in to follow this  
Deeq A.

Wasiir Cawad oo la kulmay wafdi caalami ah

Recommended Posts

Deeq A.   

Muqdisho (SMN) – Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga, Mudane Danjire Axmed Ciise Cawad, ayaa xalay fiidkii casho sharaf u sameeyay wafdi Swedish ah oo ka socda Akadeemiyadda loo yaqaan Folke Bernadotte Academy (FBA) oo tababaro xiriir ah ugu qabanaysa diblomaasiyiinta Soomaaliyeed Caasimadaha Muqdisho iyo Stockholm.

Casha sharafta oo ay ka soo qeybgaleen Wasiirka Gaashaandhigga, Mudane Xasan Cali Maxamed, Wasiiru dowlaha Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga, Mudane Cabdulqaadir Axmed-kheyr Cabdi, Xildhibaanno, Xoghayaha joogtada cusub ee Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga, Mudane Maxamed Isaaq Aadan, Safiirka Sweden ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Staffan Tillander , safiirrada laga aqoonsanyahay dalka iyo dad heerkoodu sarreeyo oo Soomaali ah.

Soomaaliya iyo Sweden waxaa ka dhexeeya xiriir xooggan, iskaashi iyo wax wadaag istiraatiijiyadeed oo labadaba u suurragelinaya iyagoo garba-siman in si saaxiibtinimo leh ula falgalaan wax miro-dhal leh oo u adeegaya danaha iyo nacfi wadaagga labada dal iyo labada shacab ee saaxiibada ah.

Image may contain: 1 person, child, hat, flower, closeup and outdoor

Image may contain: 2 people, people sitting and tableImage may contain: one or more people and suitImage may contain: 1 person, child, hat, flower, closeup and outdoor

View the full article

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this