Sign in to follow this  
Deeq A.

Xasan Shiikh: Iyadoo la weerarayo Madaxtooyada, Maxkamadda iyo Baarlamaanka ayaan doorasho qabanay

Recommended Posts

Deeq A.   

Muqdisho (Caasimadda Online) – Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa ka hadlay Sharciga doorashooyinka Qaranka oomaalmahaan ay dood adag ka leeyihiin Xildhibaannada Golaha Shacabka,isaga oo walaac ka muujiyey doorashada lafilayo inay ka dhacdo dalka.

Qoraal dheer oo uu soosaarey Xasan sheekh Maxmauud ayuu sheegay in Madaxda dalka ay wadaan qorsho sababi kara muddo kororsi ay sameeyaan,waxaana uu sheegay in dalka,iyada oo duruufo intaan ka daran ay jireen ay ka dhaceen doorashooyin.

Qoraalkiisa ayaa waxaa uu kusoo bandhigay doorashooyinkii si xor iyo xalaal ah uga dhacay dalka Soomaaliya gaar ahaan doorashooyinkii ugu dambeeyey ee ka dhacay Muqdisho,iyada oo qeybo kamid ah Muqdisho maamulayeen Ururka Al-Shabaab.

Hoos Ka Akhriso Qoraalka Madaxweynihii hore ee Soomaaliya.

Waxaan rabaa dadka Soomaaliyeed inaan la wadaago taariikhda doorashooyinka ee dalkeenna.

1964tii dalka Soomaaliya waxaa laga qabtay doorasho iyadoo dalku ku jiro dagaal. Xilligaas waxaa soo baxay halhayskii caanka noqday ee ahaa “GACANNE WAXBAAN KU DOORANEYNAA GACANTA KALENA DALKAAN KU DAAFACEYNAA”.

Doorasho lagu guuleystay ayaa dhacday iyadoo dagaalkii uu Socodo.

2011-2012 iyadoo lagu jiro qabanqaabadii doorashada waxaa dalka ka dhacay abaaro ba’an. Abaarahaas waxaa nooga dhintay, AUN 250 kun oo Soomaali, Shabaabne waddooyinka magaalada Xamar qaar ayey dhufeysyo ka qoteen oo dagaal looga saaray, doorashadiina waa dhacday.

2016 Dagaalka shabaab waa jiray oo waa tii ay weerareen Madaxtooyo, Maxkamadda, Baarlammaanka iyo xarumaha AMISOM iyo UNka intaba. Haddane sidaas oo ay tahay nagama hor istaagin doorasho.

Haddaba, haddii aan leennahay taariikh doorasheedkaas iyo waayo aragnimadaas, waa maxay duruufaha iyo masiibooyinka intaas aan soo sheegnay ka weyn ee aan la garaneyn ee siyaasiyiinta qaar ay arkaan.

Kororsiimo hay’adaha dastuuriga ah waxay ka hor immaaneysaa dastuurka JFS ee aan ku dhaqaanno. Sidoo kale kororsiimadu waxay ka hor immaaneysaa xaqa dastuuriga ah ee ah muwaaddinku in la doorto iyo inuu wax doorto.

Waxaan ku soo gabagabeynayaa madaxda hay’adaha dastuuriga ha ilaaliyeen dhaqanka dimiqraadiga ah ee curdanka ah ee dalkeenna. Sidoo kale xildhibaannada baarlammaanka federaalka ee jamhuuriyadda ha dhowreen dhaartii ay dhaarteen iyo wixi ay u dhaarteen ee ummaddu ku aamintay.

Waxaan leeyahay doorashadu waa ASTAAN dowladnimo oo leh xeer iyo dhaqan dimoqraadi ah.Madaxda hay’adaha dastuuriga ah iyo golayaashaba waxaa looga fadhiyaa oo laga wada sugayaa doorasho ku dhacda waqtigeedii.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this