Sign in to follow this  
Deeq A.

CC Shakuur: In Xasan Daahir uu ku baaqo dilkayga waxa ay caddeyn u ah in DF ay la shaqeyso argagixisada

Recommended Posts

Deeq A.   

Muqdisho (Caasimada Online) – Siyaasiga Cabdiraxmaan Cabdishakuur oo ka jawaab muuqaal uu soo duubay Xasan Daahir kaasi oo uu ku sheegay in Cabdiraxmaan Cabdishakuur ku dhacay fal “kufri ah” ayaa dowladda Soomaaliya ku eedeeyey inay mas’uul ka tahay.

Xasan Daahir Aweys ayaa ka ka jawaabayey hadal Cabdiraxmaan Cabdishakuur uu ka jeediyey dalka Jarmalka, kaasi oo culimada qaar ay ku macneeyeen inuu ku beeniyey xadiis saxiix ah, inkasta oo Cabdiraxmaan uu taas diiday.

Cabdiraxmaan Cabdishakuur ayaa ku eedeeyey dowladda Soomaaliya inay Xasan Daahir Aweyy oo ah “argagixiso dilay kumanaan qof” u ogolaatay inuu ku baaqo “dilkiisa”, taasi oo uu ku macneeyey in dowladda ay la shaqeyneyso argagixiso.

“Ayada oo dowladda ay tani ku taageereyso, oo taageerayaasheeda ay ku buun-buuninayaan baraha bulshada. Miyaysan tani caddeyn u ahayn in dowladda ay la shaqeeneyso argagixiso.” Ayuu yiri Xasan Daahir Aweys.

Xasan Daahir Aweys ayaa waxa uu magaalada Muqdisho kaga jiraa xabsi guri ay ku ilaaliso dowladda Soomaaliya, wuxuuna inta badan soo duubaa muuqaallo uu soo dhigo facebook oo kaga hadlo xaaladda markaas ka taagan dalka.

Muuqaalkiisa ugu dambeeyey ee uu soo duubay ayuu ku yiri ““Sababtu waxay tahay in xadiis saxiix ah uu ku sheegay wax aan jirin, si kas ah ayuu u sheegay in wadaadadu ay jeebabkooda kala soo baxeen, qadkaas inuu ka cabirana waa kufri, waxaan hubaa inuu garanayo xadiiskaas oo Cabdiraxmaan waxaan u leeyahay aqoon dheer”.

Qoraal uu shalay soo dhigay facebook, oo uu kaga hadlay arrintan muranka dhalisa, waxa uu Cabdiraxmaan Cabdishakuur ku yiri “Aniga waxaan sheegay in culimada qaarkood ay dumarka si bareer ah duudsiyaan xuquuqdooda iyo kaalintooda siyaasadeed, iyagoo sheega in “Caqligooda iyo Diintooda” ay yihiin kuwa dhiman oo naaqus ah, waxaan kalo sheegay in xaqiraada loo adeegsado Xaddiis Been-abuur ah oo faalso ah oo ay culimada jeebka kala soo baxaan. Anigu marna ma aanan soo qaadan xaddiis goonni ah oo aan leeyahay xaddiis hebel waa been oo sannadkiisa السند (Taxanaha Warinta) ayaa daciif ah ama mawduuc ah ama matnigiisa المتن (Erayada Xaddiiska), mana inkirsani saxiixnimada Xadiiska ay culimo badani ka hadleen.”

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this