Sign in to follow this  
Deeq A.

Wasiir Ducaale Islow oo Bilaabay Ololaha Doorashda 2020

Recommended Posts

Deeq A.   

Wasiirka amniga qaranka Maxamed Abuukar Islow ayaa maanta waxaa uu sheegay inuu kulan la qaatay dhalinyaro ka soo jeeda deegaankiisa.

Wasiirka ayaa boggiisa Faceboogga ku soo qoray sidan “Waxaan kulan la yeeshay Dhalinyarrada Soomaliyeed ee Degaan doorashada aan ku metelno Baarlamaanka FS, iyadoo aan is weydaarsanay dood ku saabsan xaaladda dalka, kaalinta dhalinyarrada iyo taageeridda dowladnimada. waxaa kulanka igu wehliya Wasiir Cismaan Daallo”.

Waa markii ugu horeysay ee Islow uu sidaasi sameeyo, tan oo ku soo aadeysa 9 bil uun iyada oo ay naga dhigto doorashada la filay 2020-ka.

Arrintan ayaa loo arkay iney qeyb ka tahay ololaha doorashada 2020-ka iyo inuu wasiirka amniga Maxamed Abuukar Islow doonayo dib u soo noqosho.

Goobjoog News

Source: goobjoog.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this