Sign in to follow this  
Deeq A.

Al-Shabaab oo deegaan kala wareegtay ciidanka Kenya

Recommended Posts

Deeq A.   

War ka soo baxay Al-Shabaab, islamarkaana lagu baahiyey Internet-ka  ayaa lagu sheegay in xalay saqdii dhexe ay la wareegeen deegaanka Dhicise oo hoos yimaada magaalada Gaarisa, gobolka Waqooyi Bari ee dalka Kenya.

Al-Shabaab ayaa sheegtay in ciidamada Kenya ay ka qabsatay deegaankaasi, islamarkaana saanad Milatari ka soo furatay saldhig Boolis oo ku yaalla halkaasi.

Sidoo kale waxaa qoraalkan lagu sheegay in dagaalyahannadu ay  dab qabad siiyeen xarun ay laheyd shirkadda Safaricom.

Illaa iyo hadda ma jiro weli wax hadal ah oo ka soo baxay dhinaca dowladda Kenya oo ku aadan weerarkaasi,.

Xaaladda ayaa haatan ah mid kacsan, iyadoona dhaq dhaqaaqyo Milatari laga dareemay deegaano dhaca xadka labada dalka.

Inta badan Al-Shabaab ayaa weeraro gaadma ah ka fulisa gudaha Kenya, gaar ahaan gobolka Waqooyi Bari ee dalkaasi.

View the full article

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this