Deeq A. Posted December 4, 2019 Taliyaha ciidanka Booliska Puntland, S/Gaas Muxudiin Axmed Aw-Muuse ayaa maanta shaqo joojin ku sameeyey talihii qeybta Booliska gobolka Nugaal, Muumin Cabdi Shire. Wareegto ka soo baxday xafiiska taliye Muxudiin ayaa lagu shaaciyey shaqa joojintaan oo la sheegay in lagu wargaliyey Madaxweyne Siciid Deni. Wararka ayaa sheegay in sababta shaqada looga joojiyey Taliye Muumin ay tahay amar diido uu sameeyey. Illaa iyo hadda taliyaha shaqada laga joojiyey kama uusan hadlin warqadda ka soo baxday xafiiska taliska guud ee Booliska Puntland. View the full article Share this post Link to post Share on other sites