Deeq A. Posted yesterday at 01:07 PM Golaha Aqalka Sare ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa ku yeeshay xarunta Aqalka Sare Kulakii 21 aad ee Kalfadhiga 6aad ayada oo uu shir Guddomiyay Guddomye Ku-xigeenka 1aad ee Golaha Aqalka Sare Senatar Abshir Maxamed Axmed . Sidoo kale waxaa goob jog ahaa Guddomiye Ku-xigeenka 2aad ee Golaha Aqalka Sare Senatar Moowlid Xuseen Guhaad. Ajanadaha Kulanka ayaa ahaa: 1.Akhrinta 3-aad ee Hindise-Sharciyedka Canshuuraha Furdooyinka. Guddomiye Ku-xigeenka Guddiga Dhaqaalaha Golaha Aqalka Sare Sentar Deeqa Xassan Xuseen ayaa Golaha Ka-hor akhrisay Akhrinta 3-aad ee Hindise-Sharciyedka Canshuuraha Furdooyinka oo sheegtay soo jeddinada sentarada. Guddiga Dhaqaalaha, Maaliyadda,Ganaacsiga,Warshadaha,Isgaarsiinta iyo Dalxiiska ee Aqalka Sare ayaa mariyay Akhrinta 3-aad ee Hindise-Sharciyedka Canshuuraha Furdooyinka. Golaha Aqalka sare aya ansixiye ayagoo marsiiyay Akhrinta 3-aad ee Hindise-Sharciyedka Canshuuraha Furdooyinka.Waxaa Ogaalada 32 senatar ,wax diiday iyo wax ka amuusay majiro. Halkan hoose ka daawo Sawirrada: View the full article Share this post Link to post Share on other sites