Sign in to follow this  
Deeq A.

Guddoomiyihii degmada Awdheegle oo qarax lagu dilay

Recommended Posts

Deeq A.   

Wararka naga soo gaaraya gobolka Shabeelaha Hoose ayaa sheegaya in goor dhow qarax khasaare geystay uu ka dhacay duleedka degmada Awdheegle ee gobolkaasi.

Qaraxa oo ahaa nooca miinada dhulka lagu aaso ayaa waxaa lagu soo warramayaa in lala eegtay guddoomiyaha degmadaasi, Maxamed Yarow oo ku geeriyooday qaraxa.

Sidoo kale wararka ayaa sheegaya in qaraxaasi ay ku dhaawacmeen illaa saddex askari oo ka mid ahaa ilaalada mas’uulkaasi

Guddoomiyaha gobolka Sh/Hoose, Ibrahim Aadan (Najax) ayaa xaqiijiyey geerida marxuumka, wuxuuna sheegay in la dilay isagoo u adeegayey dadkiisa iyo dalkiisa.

“Inaa lilaahi wa inaa ileyhi raajicuun ilaahay ha u naxriisto gudoomiyaha degmada Awdheegle Mohamed Yarow oo qarax miino ugu geeriyooday degmada Awdheegle.Wuxuu u dhintay dalkiisa, dadkiisa iyo diintiisa.” ayuu yiri Najax.

Dhowaan ayey aheyd markii guddoomiye ku xigeenka arrimaha bulshada ee gobolka Sh/Hoose lagu dilay degmada Afgooye, kadib markii lagu weeraray bamgacmeed.

View the full article

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this