Sign in to follow this  
Deeq A.

Sawirro: Ciidamada DANAB oo deegaano cusub kala wareegay AL-SHABAAB

Recommended Posts

Deeq A.   

Muqdisho (Caasimada Online) – Ciidamo ka tirsan kuwa Kumaandoosta Soomaaliya iyo kuwa Dowlad Goboleedka Jubbaland ayaa waxaa ay howlgallo qorsheysan ka fuliyeen deegaano ka tirsan gobolka Jubbada Hoose, halkaas oo ay ku sugnaayeen xubno ka tirsan Al-Shabaab.

Saraakiisha holwgalka hoggaamineysa ayaa waxaa ay shegeen in uu howlgalka ahaa mid Al-Shabaab looga saarayay deegaano dhowr ah, islamarkanaa laga sameeyey deegaannada Canjeel, Kuba-Kibir iyo Janaay Cabdalle oo kamid ah gobolka Jubbada hoose.

Sidoo kale waxaa ay sheegeen in dhamaan tuulooyinkii ay howlgalka ka fuliyeen ay isaga baxeen Al-Shabaab, isla markaana ay la wareegeen Ciidamada kumaandoosta Soomaaliya ee DANAB iyo kuwa Jubbaland.

Wararkii ugu dambeeyey ee naga soo gaaraya deegaannada howlgalka laga sameeyey ayaa waxaa ay sheegayaan in Ciidamada DANAB iyo kuwa Jubbaland ay weli ku sugan yihiin deegaannadaas, inkasta oo mararka qaar la maqlayo rasaas goos goos ah.

1-14.jpg 2-14.jpg 3-12.jpg

 

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this