Sign in to follow this  
Deeq A.

Taliyaha Booliiska Puntland oo shaqada ka joojiyay Taliyihii Qeybta gobolka Nugaal

Recommended Posts

Deeq A.   

Taliyaha Ciidanka Booliiska dowladda Puntland S/Gaas muxiyadiin Axmed Aw-Muuse ayaa shaqada ka joojiyay Taliyaha Qeybta Booliiska gobolka Nugaal G/sare Mu’min Cabdi Shire.

Ilo’ dhanka Amniga ah oo warkan u xaqiijiyay Puntland Post ayaa sheegaya in labada mas’uul uu khilaaf hoose ka dhexeeyay todobaadyadii la soo dhaafay islamarkaana aysan wax wada-shaqeyn ah dhexmarin.

Taliye  Muxiyadiin ayaa dikreetada uu shaqada kaga joojiyay G/sare Mu’min Cabdi Shire (Ina Madaxweyne) waxa uu ku xusay in uu amar-diiddo sameeyay sidaasi darteedna shaqada looga joojiyay.

PUNTLAND POST

The post Taliyaha Booliiska Puntland oo shaqada ka joojiyay Taliyihii Qeybta gobolka Nugaal appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this