Sign in to follow this  
Deeq A.

Laamaha amniga oo xalay kulan ku yeeshay Muqdisho

Recommended Posts

Deeq A.   

Muqdisho (Caasimada Online) – Guddoomiye ku xigeenka amniga iyo siyaasadda ee maamulka gobolka Banaadir ayaa xalay ku deg deg ah la qaatay guddoomiye ku xigeenada amniga ee degmooyinka iyo saraakiisha hay’adaha ammaanka ee dowladda.

Maxamed Cabdullaahi Maxamed (Tuulax) ayaa kala hadlay mas’uuliyiintaasi, sidii loo xoojin lahaa amniga magaalada Caasimada ah ee Muqdisho, si looga hortago ay weerarada ay ka fuliyaan mararka qaar dagaalyahannada Kooxda Al-Shabaab.

Intii uu socday shirka ayaa waxaa warbixino kala duwan lagaga dhegeystay guddoomiye ku xigeenada oo ka hadlay dhacdooyinkii ugu dambeeyey ee Caasimada.

Guddoomiye Tuulax oo shirka kadib la hadlay warbaahinta ayaa sheegay in amniga Muqdisho uu yahay mid haatan xasilan, islamarkaana bilihii la soo dhaafay amniga laga sameeyey horumar ballaaran, sida uu hadalka u dhigay.

Waxa kaloo sheegay in warbixinada la xariira xaaladaha degmooyinka ay muujinayaan in ay yaraadeen dhacdooyinka dilalka, kadib markii ciidamada amniga Soomaaliya ay xoojiyeen howlgallada lagu xaqiijinay amniga magaalada Caasimada ah ee Muqdisho.

Ugu dambeyn wuxuu uga mahadceliyey saraakiisha amniga iyo shacabka, sida ay uga go’an tahay inay ka wada shaqeeyaan nabad galyada gobolka Banaadir.

Maalmihii la soo dhaafay ciidamada dowladda, gaar ahaan kuwa Booliska ayaa waxa ay howlgallo amni xaqiijin ah ka wadeen xaafadaha magaalada Muqdisho.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this