Sign in to follow this  
Deeq A.

Xiisada ka taagan Boosaaso oo khilaaf ka dhex abuurtay madaxda Puntland

Recommended Posts

Deeq A.   

Boosaaso (Caasimada Online) – Xiisada siyaasadeed ee ka taagan magaalada ganacsiga Boosaaso ayaa haatan yeelatay weji cusub, sida ay aan xogta ku helnay.

Sida ay ogaatay Caasimada Online waxaa soo shaac baxay khilaaf culus oo u dhexeeya wasiirka amniga Puntland, Cabdisamad Maxamed Galan iyo guddoomiyaha gobolka Bari, Cabdisamad Yuusuf Maxamed (Abwaan), kaas oo haatan laga dareemayo Boosaaso.

Wararka ayaa sheegaya in labada mas’uul ay isku fahmi waayeen, sida loo wajahayo xiisada siyaasadeed ee u dhexeysa xukuumadda Deni iyo waxgaradka magaaladaasi.

Illaa iyo hadda wasiirka amniga iyo guddoomiyaha gobolka Bari, midna kama hadlin khilaafka u dhexeeya, basle waxaa haatan socda dadaallo hoose oo lagu soo afjarayo is faham-waagaasi, sida ay inoo sheegeen mas’uuliyiin ku howlan xalintooda.

Arrintan ayaa ku soo aadeysa, iyadoo haatan xabsiga dhexe ee Boosaaso ay ku xiran yihiin tiro odayaal dhaqameedyo ah iyo siyaasiyiin dhaliilay xukuumadda Puntland.

Xiisada guud ahaan ka taagan Boosaaso ayaa salka ku heysa heshiiskii shirkadda DP World oo ay si weyn uga soo horjeedaan waxgaradka ku nool gobolka Bari.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this