Sign in to follow this  
Deeq A.

Trump Oo Si Kulul Ugu Jawaabay Madaxweynaha Faransiiska

Recommended Posts

Deeq A.   

(SLT-London)-Madaxweyne Donald Trump ayaa dhiggiisa Farasnsiiska Emmanuel Macron ku eedeeyay hadalkii ka soo yeedhay ee ahaa in hadafkii gaashaan buurta Nato uu u dhintay.

saxxxx-750x430.jpg

Mr Trump ayaa haatan ku sugan magaalada London halkaasi oo uu kaga qeyb galayo 70 guuradii gaashaan burta Nato.

War saxaafadeed ayuu Mr Trump ku sheegay in Nato ay qabatay shaqo badan oo ka mid ah hadafkii loo asaasay, hadalka Macrona uu yahay mid aflagaaddo ah.

Waxa uu sidoo kale sheegay inay u muuqato in Faransiiska uu ka baxayo Nato, balse sababta ma aanu sharixin.

North Atlantic Treaty Organisation (NATO) ayaa waxaa la aasaasay ka dib Dagaalkii Labaad ee Adduunka waxaana looga gol lahaa in lagaga hortago dhibaatadii sii baahaysay ee Midowga Soviet. 29-ka xubnood ayaa waxay ku heshiiyeen inay iska caawiyaan weerarkasato oo lagu soo qaado.

Source

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this