Sign in to follow this  
Deeq A.

Dad Badan Oo Ku Dhintay Dab Xooggan Oo Kacay Warshad Ku Taalla Suudaan

Recommended Posts

Deeq A.   

(SLT-Khartoum)-Ugu yaraan 23 qof ayaa ku dhintay kadib qarax xooggan oo ka dhacay gudaha warshad ku taalla magaalada caasimada ah ee Khartuum.

157540438959854.jpg

Qaraxa oo aan la ogeyn waxa sababay ayaa dhaliyay dab xooggan oo gabi ahaan ba qabsaday qeybo ka mid ah warshadan oo sameysa Mutuleelka.

Dhanka kale mashaqadaan ayaa waxaa ku dhaawacmay 130 qof sida ay xaqiijiyeen saraakiisha caafimaadka Suudaan.

Baadhitaano hordhac ah ayaa xaqiijinaya in qaraxa uu ka bilaamay mid ka mid ah haamaha lagu keydiyo Gas ka oo Warshada Taalay.

Shacabka Suudaan ayaa loogu baaqay in ay tagaan Cisbitaalada si dhiig loogu deeqo dadka waxyeelada ka soo gaadhay mashaqadan.

Source

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this