Sign in to follow this  
Deeq A.

IMAARAADKA Carabta Oo Diidan Safiirka Cusub Ee Ay Soomaaliya U Magacowday

Recommended Posts

Deeq A.   

(SLT-Dubai)-Dowladda Imaaraadka Carabta ayaa weli aqbali la’a safiirka cusub ee Soomaaliya ay u magacowday dalkaas Xasan Xundubey Jimcaale.

Imaaraadka-carabta-iyo-Soomaaliya.jpg

Dowladda federaalka, oo ka digtoon in laga faa’ideysto mas’iiuliyiinta hore ee safaaradda Abu Dhabi, oo ay aad iskugu dhowaayeen dowladda Imaaraadka Carabta, ayaa 6 bilood ka hor u magacawday Danjire Xasan Xundubeey Jimcaale inuu hoggaamiyo ragga Soomaaliya ku matali doonto Imaaraadka.

Hase yeeshee, Imaaraadka Carabta ayaan weli aqbalin danjiraha cusub, sidoo kalena aan si rasmi ah u diidin, ayada oo laga gudbay muddada 90-ka maalmood ee sharciga diblomaasiyadda ee ay tahay inay ku aqbasho ama ku diiddo.

Ilo-wareedyo lagu kalsoon yahay ayaa sheegaya in Imaaraadka oo aan dooneynin inay si toos ah xidhiidhka ugu jaraan Soomaaliya ayaa ka codsaday wasiirka arrimaha dibedda Soomaaliya Axmed Ciise Cawad inuu waqtiga uu u dheereeyo, taas oo uu oggolaaday.

Wasiirka iyo xubno ka tirsan wasaaradda arrimaha dibedda Imaaraadka oo uu wehliyo safiirka Imaaraadka ee Soomaaliya Mohammed Ahmed Othman Al Hammadi oo ku kulmay Nairobi ayaa la sheegay inay isku afgarteen in aan wax isbedel ah lagu sameeyn safaaradda Soomaaliya ee Abu Dhabi, howsheedana uu sii wado Axmed Daahir Maxamed oo ah ku-sime.

Diidmada aqbalaadda safiirka Soomaaliya ayaa waxaa Imaaraadka Carabta ku wehliya dalka ay xulufada yihiin ee Sacuudi Carabiya, oo iyana in ka badan lix bilood kadib markii la magacaabay aan weli wax aqbalaad ama diidmo ah siin danjiraha cusub ee Soomaaliya ay magacowday Cabdiakiin Xasan Ashkir.

Xidhiidhka Soomaaliya iyo labadan dal ayaa xumaaday badhtamihii 2017-kii kadib markii ay Soomaaliya diiday inay xidhiidhka u jarto dalka Qatar oo labada dal ay colaad ka dhaxeyso.

Source

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this