Sign in to follow this  
Deeq A.

Kamala Harris Oo Ka Hadhay Tartanka Doorashadda Mareykanka.

Recommended Posts

Deeq A.   

(SLT-Washington)-Senator Kamala Harris ayaa salaasadii shalay ku dhawaaqday in ay iskaga hadhay tartankii ay ugu jirtay inay noqoto musharraxa ugu danbeeya ee xisbiga dimoqraadiga ee madaxweyne Trump kula tartami doona doorashada sannadka 2020-ka.

EA673427-72A5-4B9B-A4A9-52638BD167CE_w10

Harris oo ah mudane dimoqraadi ah oo ka tirsan Golaha Senetka Mareykanka, ayaa sheegtay in sababo dhaqaale aawadood ayna y sii wadi karin ololaheedii doorashada.

Kamala Harris oo ay iska dhaleen hooyo iyo aabo muhaajiriin ah oo kasoo kala jeeda dalalka India iyo Jamaica, ayaa soo gashay tartanka musharaxnimada dimoqraadiga ee doorashada madaxweynaha, bishii Jeniwari ee sannadkaan, waxana markiiba ay kasbatay taageerayaal fara badan, hasee yeeshee bilihii ugu dambeeyay hoos ayay u sii dhaceysay taageerada ay ka heysato dimoqraadiga.

Musharaxiinta xisbiga dimoqraadiga ee ku loolamaya is-reeb-rebeka qofka noqon doona musharaxa ugu daneeya ee sannadka foodda innagu soo haya madaxweyne Trump kula baratami doona doorashada madaxtinimada Mareykanka, ayaa gaadhaya 15 murashax, halki ay awal ahaayeen 25.

Source

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this