Sign in to follow this  
Deeq A.

Puntland Oo Mar Kale Hadashay Ciidammo Ka Soo Goostay Maamulkeeda Oo Ku Soo Biirey Somaliland

Recommended Posts

Deeq A.   

(SLT-Garoowe)-Maamul gobolleedka Puntland ayaa markale ka hadlay ciidamo ka soo goostay Maamulkooda oo ku biirey Somaliland, kuwaasi oo dhowaan si weyn loogu soo dhaweeyay degaanka Taleex ee gobolka Sool.

CIIDAMO.png

Sareeye Guuto Maxamuud Maxamed Axmed (Gubadle), Taliyaha guutada 26-aad ee ciidanka Daraawiishta Puntland, ayaa markii u horeysay sheegay in maamulkoodu uu shaqada ka fadhiisiyay Taliyihii watay ciidankii ku biiray Somaliland.

Maxamuud Gubadle ayaa sheegay in G/S Cali Diiriye Baale la rusqeeyay bishii hore ee kow iyo tobnaad, kadib markii uu sameeyay amar diido ka dhan ah awaamiir ka soo baxday maamulkooda.

Gubadle ayaa waxa uu ka dhawaajiyey in Cali Baale uu diiday in uu soo xareeyo ciidamo uu watay, kuwaasi oo tiradooda lagu sheegay saddex iyo labaatan askari, si ay dowladu u diiwaan geliso kadibna u helaan tobabar.

Taliyaha ayaa sheegay in Sarkaalkaasi uu doonayay in uu lacag ku qaato ciidamo aan diiwaan-galiso, midaasi oo ku sheegay in Puntland ayna marnaba aqbaleyn in ciidamadeeda ay ka sii mid ahaadaan askar aan diiwaan-gashanayn.

“Ciidan haddaan la xaqiijin joogistiisa iyo tiradiisaba, maalinta uu dagaal dhaco ayaa la tabaa oo ceebtooda banaanka usoo baxdaa” ayuu yidhi G/S Maxamuud Maxamed Axmed (Gubadle).

Wuxuuna intaas ku sii daray “Balse haddii la ogyahay tirada kuu joogta ciidamada, ciidan walba kaalintiisa ayaa muuqanaysa”.

Source

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this