Sign in to follow this  
Deeq A.

NISA oo soo bandhigtay Shabaab caawa la qabtay isagoo weerar qorsheynayey

Recommended Posts

Deeq A.   

Muqdisho (Caasimada Online) – Qoraal lagu baahiyey barta Twitter-ka ee hey’adda Nabad sugidda iyo sirdoonka Qaranka ee NISA ayaa lagu sheegay in ciidamada ammaanka dowladda Soomaaliya ay gacanta ku dhigeen ruux isku dayey inuu fuliyo weerar Bam gacmeed ah.

Qoraalka NISA ayaa lagu sheegay in ruuxaan oo ka tirsan Al-Shabaab ay nolosha ku qabteen isaga oo aan geysan wax khasaare ah.

“Ciidamada Amniga, ayaa caawa gacanta kusoo dhigay dhagarqabe katirsan AS, isagoo doonayey inuu Bam-gacmeed tuuro, waxaana la qabtay isagoon wax qasaara ah u gaysan shacabka. Waxaana la xisaabtamaya hay’adaha ku shaqada leh” ayaa lagu yiri qoraalka caawa ka soo baxay hey’adda nabad sugidda.

NISA ayaa sidoo kale bogeeda ku soo ban dhigtay sawirka ruuxaas iyo Bam gacmeedkii uu watay, mana shaacin magacaciisa.

EK5IjHdX0AAznoM-1.jpeg EK5IjHbXUAIkqi3.jpeg

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this