Sign in to follow this  
Deeq A.

Laftagareen oo qaabilay wafdi ka socday Finland + Sawirro

Recommended Posts

Deeq A.   

Baydhabo (SMN) – Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed Soomaaliya Mudane Cabdicasiis Xasan Maxamed Laftagareen ayaa waxaa maanta Xafiiskiisa uu Ku qaabiley Wafdi Ka Socdey Safaaradda Finland ee Soomaaliya.

Wafdigaasi ayaa Waxaa qeyb ka ahaa Masuuliyiin ka socday Wasaaradda arrimaha Dibada Finland iyo Xubno ka socdey Hay’adda FCA oo inta badan Goboleedka Koonfur Galbeed Soomaaliya Ka Taageerta Dhinac waxbarshada.

Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed Soomaaliya Mudane Cabdicasiis Xasan Maxamed Laftagareen ayaa masuuliyiinta Uga warbixiyey Xaaladda guud ee Koonfur galbeed, Waxaana uu Ka codsadey Madaxweynaha In ay sii laba jibaaraan dadaalada ay ka wadaan Koonfur galbeed.

Madaxda ka socotay Dawladda Finland ayaa Waxaa ay balan qaadeen in Koonfur galbeed Soomaaliya Ay Tix-gelin gaar ah siin doonaan Baahiyaha ka jira Guud ahaan Deegaanada Maamulkaasi.

Kulanka oo in Muddo ah Qaatay ayaa Waxaa Warbaahinta Uga warbixiyey Waxyaabihii looga wada hadley Wasiirka Wasaaradda Arimaha Gudaha \Goboleedka Koonfur Galbeed Soomaaliya Maxamed Abuukar Cabdi.

 

 

3ae9d6cb-d036-42dd-8381-bdba556fce06-300 3ff100e8-b13f-4b85-b7af-736656a10943-300 14ef1543-0e41-4a89-ae7e-71fb88c812b4-300 55d7fa1b-deac-4080-84e0-c808d2bb4901-300 171aeca5-d034-4d19-922d-e520494c7229-300 1001851c-cc17-44ec-af34-4b354b6b0f74-300 b2a026ec-d32b-42a6-b084-d5e83be1800d-300 bd81b8d1-76a6-4358-b1d4-e44f3c90c3a5-300

View the full article

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this