Sign in to follow this  
Deeq A.

Askari Dilay Askari Kale

Recommended Posts

Deeq A.   

Askari ka tirsanaa ciidamada dowladda federaalka ah ayaa askari kale maanta ku dilay gudaha magaalada Dhuusamareeb ee caasimadda dowlad gobaleedka Galmudug.

Dilka Askari ayaa yimid ka dib markii labada askari uu muran soo kala dhex galay taasina ay keentay in askariga dilka geystay uu dhowr xababood ku dhuftay askariga kale,taas oo sababtay inuu u geeriyoodo.

Sidoo kale ciidamada ammaanka oo ka dhowaa goobta uu dilka ka dhacay ayaa ku guulaystay in askarigii dilka geystay ay gacanta ku soo dhigaan, waxaana la sheegay in hadda lagu xiray saldhiga ciidamada Booliska ee Dhuusamareeb.

Askarta dowladda ayaa badanaa waxaa ka dhaca dilal  dhexdooda ay isku geystaan ama uu ku baxo qof shacab ah oo waxba galabsan, mana jiraan xal laga gaaray oo muuqda oo lagu baajinayo dilalka joogta ah ee ka dhex dhaca askarta.

Goobjoog News

Source: goobjoog.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this