Sign in to follow this  
Deeq A.

Mid kamid ah askartii ay DF geysay Dhuusamareeb oo la dilay

Recommended Posts

Deeq A.   

Dhuusamareeb (Caasimadda Online) – Wararka naga soo gaarayo Magaalada Dhuusamareeb ee Xarunta Maamulka Galmudug ayaa sheegayo in halkaas lagu toogtay mid kamid ah askartii ay Dowladda Soomaaliya geysay Magaaladaas.

Sida wararka sheegayaan askarigaan ayaa waxaa toogtay askari kale oo ka tirsan Ciidamada Dowladda kadib markii uu soo kala dhex galay muran aan la ogeyn waxa uu ka dhashay.

Muranka kadib goobjoogayaal ayaa Caasimadda Online u xaqiijiyey in askariga wax dilay xabad ku dhuftay marxuumka la dilay oo hadda la geeyey meydkiisa Isbitaal.

Ciidamo kale oo ku sugnaa goobta ayaa la sheegay inay gacanta ku dhigeen askarigii dilka geystay, kaas oo lagu xiray saldhigga magaalada Dhuusamareeb.

Weli arrintaan ma aysan ka hadlin Saraakiisha Ciidamada Dowladda ee ku sugan Magaalada Dhuusamareeb.

Dilka askarigaan ayaa kusoo aadayo xilli magaalada Dhuusamareeb ay socoto howlaha lagu dhisayo Maamulka Galmudug isla markaasna ay weli taagan tahay xiisadda u dhaxeyso Ahlu Sunna iyo Dowladda Dhexe.

Wixii kusoo kordha kala soco Caasimadda Online

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this