Sign in to follow this  
Deeq A.

Nin Soomaali Oo Jasiirada Malta Ku Dilay Nin Kale

Recommended Posts

Deeq A.   

(SLT-Malta)-Nin Soomaali oo qaxooti ku ah Malta ayaa nin u dhashay dalka Eritrea ku dilay Jesiiradda Malta Abaarihii 11:30 Fiidnimo ee habeenkii Jimcaha ee la soo dhaaafay.

Att-750x430.jpg

Hadal-qoraal oo Booliska ka soo baxay maalintii Sabtida ee laa soo dhaafay ayey ku sheegeen in lagu soo wargeliyey in ninkaasi lagu dilay Deegaanka TIRIQ DICEMBRU TLETTAX ee Xeradda Qaxootiga ee Furan ee Marsa ee dalkaasi.

Booliska waxay magaca Ninka Soomaaaliga ku sheegeen Keynaan CabdiNaasir oo 23-jir ah, kaasi oo loo haystay dilka Muwaadin u dhashay dalka Eriteria, oo la odhan jirey Bakri Bashiirr oo 23-jir ahaa.

Eedeysanaha Soomaaliga waxaa la sheegay inuu dhowr jeer maqas kaga dhuftay qeybaha sare ee jirka Marxumka, taasi oo sababtay inuu u geeriyoodo dhaawac culus oo soo gaadhay.

Dhinaca kale, Eedeysanaha waxaa la soo taagay Maxkamadda, wuxuuna beeniyey dembigii uu ku soo oogay Garsoorihii Maxkamadda oo lagu magacaabo JOSETTE DEMICOL.

Qareenka u doodayey Eedeysanaha Kaynaan Cabdinaasir waxa uu Maxkamadda ka hor sheegay in aanu codsan doonin in eedeysanaha damiin lagu sii daayo.

Saddex Alifle ka tirsan Dembi-baadhista Boliska gacanta ku hayey Kiiskaasi oo lagu magacaabo James Grech waxa uu Maxkamadda ka hor sheegay inuu Eedeysanaha hore u galay dembiyo kale, balse haatan loo haysto dilka nin u dhashay dalka Eriteria.

Booliska Malta waxaa baadhitaanka Kiiskaasi gacan ka siiyey nin u dhashay Suudaan, iyadoo ay Booliska u fududaatay inay gacanta ku soo dhigaan Kaynaan CabdiNaasir.

Source

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this