Sign in to follow this  
Deeq A.

Mareykanka Oo Mallaayiin Dollar Dul-dhigay Madaxa Muwaadin U Dhashay Dalka Mareykan Oo Ka Tirsan Al-Shabaab

Recommended Posts

Deeq A.   

(SLT-Washington)-Dowladda Mareykanka ayaa shaacisay in $5 Million oo doollar ay siineyso ciddii soo sheegta xog horseedi karta in la soo qabto Jehad Serwan Mostafa oo ah Muwaadin u dhashay Mareykanka oo asalkiisa yahay Kurdi Suuriyaan ah, kaasoo ka barbar dagaalama Al-Shabaab.

Jehad-Serwan.-1-696x392.jpg

FBI-da Mareykanka ayaa sheegtay in Jehad Serwan uu Al-Shabaab ku biiray sanadkii 2006-dii, waxaa la rumeysan yahay inuu yahay Muwaadinka Mareykanka ee ugu sareeya Urur Argagixiso oo dibadda ah.

Mostafa ayaa sidoo kale la sheegay inuu yahay ninka ugu sareeya Al-Qaacida, gaar ahaan Al-Shabaab dhexdooda, waxaa kaloo uu ahaa Madaxa Ajaaniibta Al-Shabaab.

Mostafa wuxuu ku dhashay Wisconsin, waxaana uu ku soo barbaaray agagaarka Serra Mesa ee magaalada San Diego ee Gobolka California.

Sanadkii 2011 ayuu ka soo muuqday Kaamka Aala Yaasir oo ku yaalla Shabeellaha Hoose, xilligaasoo dad ka soo barakacay abaarihii ay Al-Qaacida ugu qeybisay deeq raashin, waxaa uu ahaa Ergeyga Al-Qaacida u soo wakiilatay gaadhsiinta deeqdaas, waxaana uu ku hadlayay luqada Ingiriiska.

Jehad-Serwan.-1024x578.jpg

Source

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this