Deeq A. Posted December 3, 2019 Wararka naga soo gaaraya Dhuusamareeb ayaa sheegaya in weli kulamo siyaasadeed ay ka socdaan gudaha magaaladaasi. Kulamada oo ah kuwa xasaasi ah ayaa waxaa diirada lagu saaray doorashada Galmudug, gaar ahaan soo xulista xildhibaanada baarlamaanka labaad ee maamulkaasi. Odayaasha dhaqanka iyo xildhibaano ka tirsan labada gole ee baarlamaanka federaalka ayaa wada dadaalladii ugu dambeeyey ee dhismaha Galmudug. Doorashada guud ee maamulkaasi oo isugu jirta madaxweynaha iyo mida baarlamaanka ayaa lagu wadaa inay dhacdo isla bishaan December ee 2019-ka. View the full article Share this post Link to post Share on other sites