Sign in to follow this  
Deeq A.

Kulamo xasaasi ah oo weli ka socda Dhuusamareeb

Recommended Posts

Deeq A.   

Wararka naga soo gaaraya Dhuusamareeb ayaa sheegaya in weli kulamo siyaasadeed ay ka socdaan gudaha magaaladaasi.

Kulamada oo ah kuwa xasaasi ah ayaa waxaa diirada lagu saaray doorashada Galmudug, gaar ahaan soo xulista xildhibaanada baarlamaanka labaad ee maamulkaasi.

Odayaasha dhaqanka iyo xildhibaano ka tirsan labada gole ee baarlamaanka federaalka ayaa wada dadaalladii ugu dambeeyey ee dhismaha Galmudug.

Doorashada guud ee maamulkaasi oo isugu jirta madaxweynaha iyo mida baarlamaanka ayaa lagu wadaa inay dhacdo isla bishaan December ee 2019-ka.

View the full article

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this