Sign in to follow this  
Deeq A.

Dibadbax looga soo horjeedo wasiir Caadle oo ka dhacay Buulo-Burte

Recommended Posts

Deeq A.   

Beledweyne (Caasimada Online) – Wararka laga helayo gobolka Hiiraan ee bartamaha Soomaaliya ayaa sheegaya in saaka banaanbax uu ka dhacay gudaha degmada Buulo-Burte ee gobolkaasi.

Dibadbaxa oo ahaa mid ballaaran ayaa waxaa looga soo horjeeday wasiirka wasaaradda arrimaha gudaha ee maamulka HirShabelle, Mudane Maxamed Cali Caadle oo la sheegay in saacadaha soo socda uu safar ku tagi doono magaaladaasi.

Boqolaal dadweyne ah ayaa isugu soo baxay waddooyinka magaalada, kuwaas oo gubayey taayaro, kuna qeylinayey erayo ka dhan ah maamulka HirShabelle.

Sidoo kale dibadbaxaan ayaa saameyn xoogan ku yeeshay dhaq dhaqaaqa guud degmada Buulo-Burte ee gobolka Hiiraan.

Wararka ayaa sidoo kale intaasi ku daraya in shacabku ay ka soo horjeedaan maamul cusub oo dhowaan loo magacaabay degmadaasi.

Xaaladda ayaa haatan kacsan, waxaana Buulo-Burte ku sugan wafdi isugu jira xildhibaano iyo wasiiro ka tirsan HirShabelle oo ku howlan xalinta xiisadaasi.

Muddooyinkii la soo dhaafay ayaa waxaa xiisad salka ku heysay maamulka ay ka taagneyd degmada Buulo-Burte, taas oo u dhexeysa waxgaradka degmadaasi iyo wasiirka wasaaradda arrimaha gudaha ee dowlad goboleedka HirShabelle.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this