Sign in to follow this  
Deeq A.

Caaqil Sheekh Cabdullaahi – 6 jirka raba inuu u aargudo aabihii Shabaab ay dishay

Recommended Posts

Deeq A.   

Kismaayo (Caasimada Online) – Wiil lix jir ah oo ku nool magaaladda Kismaayo ayaa wuxuu doonayaa in uu u aargudo Aabihii oo saddex sano kahor ay Al-Shabaab ku dishay caasimadda ku meel gaarka ah ee maamulka Jubaland.

Sheekh Cabdullaahi, oo dabley ay toogatay, ayaa horey uga soo tirsanaa xoogaga xiriirka la leh shabakada Al-Qaacida. Balse markii uu isaga soo tegay, wuxuu bilaabay olole ka dhan ah ururkaas.

Ciidamadda ammaanka Jubaland ayaa ku guuleystay in ay gacanta kusoo dhigaan dhowr qof oo lala xiriirinayo, oo ugu dambeyntii laga soo reebay Maxamed Ibraahim iyo Ilyaas Xasan.

Ibraahim ayaa lagu soo qabtay Bastooladii falka lagu sameeyay. Labadooda waxay haatan ku jiraan xabsi ku yaala Kismaayo. Iyadda oo aan wali maxkamad lasoo taagin, waa xukun-sugeyaal.

Labadooda ayaa kasoo muuqday barnaamijka BBC Africa Eye. Maxamed Ibraahim oo ogolaadey in uu wareysi bixiyo ayaa wuxuu sameeyay qirasho dhif iyo naadir ah.

“Annigoo Bastoolo wato ayaa lay qabtay,” ayuu yiri. “Anniga gacanteyda qof kuma aanan toogan, laakiin waan la socday ragga ka dambeeyay”.

Mar la waydiiyey hadii uu cafis waydiisanayo qoyska marxuumka ayuu ku jawaabay: “Haa, aad iyo aad, maxaan u waydiisan waayey? Inkasta aan gacanteyda ku geysan, laakiin aan ku lug lahaa, waan waydiisan lahaa”.

Dafirid

Ilyaas Xasan, oo Kismaayo ku cusbaa xiligga uu falku dhacayey ayaa wuxuu ka yimid dhanka degaanadda ku hoos jira maamulka Al-Shabaab.

“Al-Shabaab waan kamid ahaa, magaaladda waan iska imaadey, haddey shaqo ka qabo i dhaanna diyaar baan u ahaa markaas,” ayuu ku bilaabay.

Wuxuu tibaaxay: “Dilis kaliya ma ahan shaqo, wixii markaas qabo ley yiraahdo”. Ma carabaabin shaqooyinka uu qaban lahaa, hadii loo diro.

Isaga oo ka jawaabaya sababta uu ugu biiray Al-Shabaab ayuu ku sharaxay: “Waa sidda kooxaha kubadda cagta oo qof walba uu koox taageero. Dalka laba dhinac baa ka jira, Al-Shabaab iyo taageereyaasha dowladda”.

Xasan oo la waydiiyey hadii uu reerka marxuumka waydiisan lahaa cafis wuxuu ku warceliyey: “Aniga qofaan dilay ama caruur ayaan aabahooda ka dilay miyaan ku dhahay, adiga miyaa og in aan ku eedeysanahay dil?”

Aargoosi

Farxiya Xasan, xaaska marxuumka, oo si qiiro leh u hadashay ayaa waxay codsatay in toogasho lagu xukumo eedeysaneyaal Ilyaas iyo Maxamed.

“In la ii dilo ayaan rabaa nimankaas, wiilkeyga aabihiis nimanka dilay, waa in la ii dilo,” ayey tiri, iyadda oo dhabta ku haysa cunugeeda yar.

Caaqil Sheekh Cabdullaahi, oo lix jir ah, ayaa, sidda laga soo xigtay hooyadii, wuxuu “doonayaa in uu u aargudo aabihii”.

“Waan dilayaa, ayuu lahaa, aabahey nimanka dilay. Xabad buu dhuftay anna waan dili, xabadan ku dhufanayaan,” ayay raacisay Farxiya Xasan.

Qirasho

Wallow uu qirsan yahay in uu dilka geystay, Ibraahim ayaa barnaamijka dukumiintiriga ah ee soconaya ku dhowaad 29 daqiiqo, waxaa lagu tusiyey muuqaalka laga soo duubay codsiga Farxiya.

Oohin ayuu bilaabay isaga oo cod hoose ku yiri “iga dami”. Hase ahaatee, Xasan oo ayaa si ay ka muuqato dhiiranaan u daawadey muuqaalka, bilow illaa dhamaad.

“Dhamaan Soomaalida way og tahay dilka waa xanuun. Adiga [wariyaha] oo dibadda ka yimid waad og tahay. Qof kasta oo dhinta ehelkiisa way saameneysaa geeridiisa. Taas waa la og yahay,” ayuu Ibraahim sheegay.

Wuxuu raaciyey: “Kumanaan ayaa gedaashiisa dhimatay. ALLE ha u naxariisto isaga, nasiibkiisa iyo waqtigiisa ayaa soo dhamaadey. Hadaan dil u qalmo haley dilo, hadaanan dil lahayn haley sii daayo. Intaas lee waaye”.

Xasan oo dafiray in uu wax door ah ku lahaa dilka Sheekh Cabdullaahi ayaa mar kale wuxuu adkeystay in uu kaliya ficil ka sugayo maamulka.

“Dowladda way og tahay kiiskeyga. Xogteyda oo dhanna way haysaa. Waxaan maalin hore kaaga waramay, haddana ma kaaga waramaayo, waakaas,” ayuu kusoo koobay hadalkiisa.

Sikastaba ha ahaatee, waxaa muuqaneysa in Ilyaas iyo Maxamed ay u cadahay waxay sugayaan, balse talaabadda waxaa laga dhowrayaa mas’uuliyiinta.

“Waxa aan u tegay Soomaaliya oo ahayd in aan soo bandhigo horumarka iyo nabadda Soomaaliya waxay kusoo gabagabowday waxaan filayn,” ayaa kamid ahaa erayadii u dambeeyay ee wariyuhu kusoo xiray Barnaamijka.

BBC + Garowe Online

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this