Sign in to follow this  
Deeq A.

Puntland oo nabaddoono kale cabsiga dhigtay

Recommended Posts

Deeq A.   

Wararka Puntland Post ka helayso, magaalada Boosaaso ee xarunta gobolka Bari ,ayaa sheegaya in laamaha amniga Puntland ay xabsiga dhigeen, laba nabaddoon oo magacyadooda lagu sheegay nabaddoon Maxamuud Axmed Rooble iyo nabaddoon Cabdicasiis Axmed Maxamed (Baydhabo).

Nabaddoonada xabsiga loo taxaabay, ayaa kamid ahaa odayaal iyo Siyaasiyiin Jimcihii la soo dhaafay shir ku yeeshay magaalada Boosaaso, kuwaasi oo ka horyimid Heshiiska DP World ee ballaarinta iyo dhismaha dekedda Boosaaso, oo ay ku sheegeen mid aan waxba ka fulin.

Sidoo kale, odayaasha iyo siyaasiyiinta halkaasi ku shiray, ayaa xukuumadda Puntland ku dhaliilay, in ay garoonka diyaaradaha Boosaaso iyo xarumo kale oo muhiima ku wareejisay, shirkado laga leeyahay waddanka Imaaraadka Carabta.

Sabtidii, nabaddoon Diraac Yuusuf Buuxe iyo nabaddoon Cawad Maxamed Faarax oo kamid ahaa raggaasi, ayaa laamaha amnigu ku xireen Boosaaso,halka Axaddii shalayna xabsiga la dhigay Dr Muuse Cali Jaamac oo isna raggaasi kamid ahaa.

Dhammaan odayaasha la qabtay, ayaa loo dhaadhiciyay xabsiga weyn ee magaalada Boosaaso, halkaasi oo ay haatan ku xiran yihiin ,sida ay xaqiijiyeen saraakiil ciidan oo ka gaabsaday in la xigto codkooda iyo magacyadooda.

PUNTLAND POST

The post Puntland oo nabaddoono kale cabsiga dhigtay appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this