Sign in to follow this  
Deeq A.

Madaxweyne Biixi Oo Maamuusay Guddidii Hore Ee Doorashooyinka Somaliland.

Recommended Posts

Deeq A.   

(SLT-Hargeysa)-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi, ayaa maanta kulan sagoon ah la qaatay komishankii hore ee doorashooyinka qaranka ee dhawaan xilka ku wareejiyey Komishanka cusub ee xilka la wareegay.

20191202_184927.jpg

Kulankan oo ay goob-joog ka ahaayeen dhammaanba xubnihii komishanka hore, ayaa ujeeddadiisu ahayd sagootin iyo mahadnaq lagu fooladaynayo shaqadii adkayd ee ay xubnahaasi qaranka usoo qabteen muddadii ay xilka hayeen iyo sidii xilkasnimada lahayd ee ay waajibaadka qaranka usoo guteen.

Madaxweynaha, ayaa xubnaha hore ee komishanka doorashooyinka uga mahadnaqay shaqadii cuslayd ee ay qarankooda usoo qabteen iyo sidii ay ugu adkaayeen garsoorka iyo dhexdhexaadnimada, waxana uu dedaalka ay sameeyeen ku tilmaamay mid ay dadkooda iyo dalkooda gashadeen.

Ugu dambayntii waxa uu madaxweynuhu xubnaha Komishanka Doorashooyinka guddoonsiiyey shahaado-sharafyo mahadnaq ah oo ka markhaati ah shaqadii ay qaranka usoo qabteen mudadii ay xilkaa culus ummadda u hayeen.

Wa-bilaahi Tawfiiq

Source

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this