Sign in to follow this  
Deeq A.

Hoggaamiyaha Mucaaradka UK Oo Sheegay In Uu Joojin Doono Hubka Dalkiisa Ka Iibiyo Sacuudiga

Recommended Posts

Deeq A.   

(SLT- Yemen)-Hoggaamiyaha ugu weyn xisbiyada mucaaradka UK Jeremy Corbyn ayaa sheegay in uu joojin doono hubka ay UK ka iibiso boqortooyada Sacuudiga oo dagaal kula jirta xuutiyiinta Yemen.

15752246104366a.jpg

Mr Corbyn ayaa balan qaaday haddii xisbiga shaqaalaha uu ku guulaysto doorashada guud ee ka dhaceysa UK uu gabi ahaanba meesha ka saari doono ganacsiga hubka ee kala dhaxeeya wadanka Sacuudiga.

Xilli uu khudbad la xidhiidha ololaha doorashada dhaceysa ayaa dhanka kale wuxuu tilmaamay in uu ka shaqeyn doono joojinta dagaalka dhiiga badan ku daatay ee ka socda dalka Yemen.

Khudbada Jeremy Corbyn ayaa la xidhiidhay oo kaliya siyaasadda macaamilka arrimaha dibadda UK haddii uu xilka hanto doorashada 12-ka bishan ka dhaceysa UK.

Bishii June ee sannadkaan ayaa xisbiga haya talada ee Conservative-ka wuxuu sheegay in uu dib u cusbooneysiin doonin shatiga iibka hubka ee Sacuudiga kadib markii Maxkamada sare ee UK ay ku tilmaantay iibka ceynkani oo kale mid aan sharci Aheyn.

Source

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this