Sign in to follow this  
Deeq A.

Ciidanka Amniga Israa’iil Oo Wali Wada Dilalka Rayidka Falastiin

Recommended Posts

Deeq A.   

(SLT- Israa’iil)-Millatariga Israa’iil ayaa wali wada dilalka ay u geysanayaan dadka shacabka ah ee ka soo jeeda dalka Falastiin.

1575233975bf029.jpg

Wiil da’yar oo 18 jir ahaa ayaa millatariga Israa’iil ay ku toogteen habeenimadii xalay daanta galbeed.

Falkaan ayaa waxaa ka cadhooday hoggaamiyeyaasha Falastiin kuwaasi oo ku baaqay dibadbaxyo xoogan oo saacadihii la soo dhaafay gilgilay daanta galbeed iyo deegaanada kale ee Israa’iil ka heysato shacabka Falastiin.

Wiilka la dilay oo wasaarada caafimaadka Falastiin magaciisa ku sheegtay Badaawi Masalmah ayaa milatariga Isreal ay diideen habeeninadii xalay in meydkiisa la Qaado.

Ciidanka Israa’iil ayaa aalaaba toogata dadka rayidka ah ee ku nool daanta galbeed iyagoo marmarsiiyo ka dhiganaya in khatar ay ku yihiin Amnigooda.

Source

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this