Deeq A. Posted December 2, 2019 Guddoomiyaha maamulka gobolka Banaadir, ahna Duqa magaalada Muqdisho, Mudane Cumar Maxamuud Maxamed (Filish) ayaa maanta guddoomiyeyaal cusub u macagaacay degmooyinka Shangaani iyo Waaberi. Wareegto ka soo baxday xafiiska Cumar Filish ayaa waxaa Aweys Sheekh Maxamed Amiin (Camuudi) loogu magacaabey guddoomiyaha degmada shangaani iyo halka Guddoomiyaha degmada Waaberi loo magacaabay Cabdicasiis Cismaan Jaamac. Camuudi ayaa bedalaya Sahro Markeezi, halka Cabdicasiis uu bedalayo Mahad Cilmi oo labaduba Allaha u naxariistee ku dhintay weerarkii ismiidaamiinta ee 24-kii bishii July ee sanadkaan 2019-ka ka dhacay xarunta dowladda hoose ee Xamar. Sidoo kale guddoomiyaha gobolka Banaadir ayaa guddoomiye ku xigeenka arrimaha bulshada degmada Wadajir u magacaabay, Axmed Maxamud Diiriye. Arrintan ayaa qeyb ka ah qorshe uu Duqa magaalada Muqdisho ku dar dar gelinayo howlaha shaqo ee uu wado maamulka gobolka Banaadir. Dhowaan guddoomiyaha gobolka ayaa shaaciyey inuu xilka ka qaadi doono guddoomiyihii wax ka qaban waayo nabad galyada degmadiisa, uuna u magacaabi doono sarkaal Milatari ah oo wata gaari Cabdi Bile, si uu xaqiijiyo amniga degmadaasi. View the full article Share this post Link to post Share on other sites