Deeq A. Posted December 2, 2019 Danjiraha Mareykanka u fadhiya Soomaaliya, Ambassador Donald Yamamoto oo la kulmay madaxweynihii hore ee Soomaaliya Shariif Sheekh Axmed ayaa ku baaqay wada shaqeyn dhab ah ka hor doorashooyinka soo socota ee dhicidoonta sanadaha 2020-ka illaa 2021-ka. Inta lagu guda jiray kulanka dhex maray Ambassador Yamamoto iyo Shariif Sheekh Axmed ayaa waxaa looga hadlay muhiimada wadajirka iyo siyaasad loo dhanyahay. Danjire Yamamoto ayaa sheegay in loo baahanyahay in sida ugu haboon in ay uga wada hadlaan madaxda dowladda iyo maamulada xubnaha ka ah sidii loo dardar galin lahaa doorasha soo socota ee qabsoomi doonta 2020/21-k Ka hor doorashada madaxtinimo ee soo aadan Mareykanka ayaa ku baaqay in ay wada hadlaan, islamarkaana ay wax walba uga ashtakoodaan miiska wada hadalka. Markii ugu horreysay Soomaaliya ayaa isku diyaarineysa doorasho qof iyo cod ah oo ku dhisan qaab axsaab ah oo ay ku tartami doonaan xisbiyada siyaasadeed ee ka jira dalka. View the full article Share this post Link to post Share on other sites