Sign in to follow this  
Deeq A.

Jubbaland oo ka hadashay duqeyn ka dhacday Jilib

Recommended Posts

Deeq A.   

Afhayeenka wasaaradda amniga Jubbaland, Cabdinuur Ibraahim Xuseen ayaa ka warbixiyey duqeyn maalin ka hor ka dhacday degmada Jilib ee gobolka Jubbada Dhexe.

Cabdinuur oo wariyeyaasha kula hadlay Kismaayo ayaa sheegay in duqeyntaasi lagu dilay sarkaal ka tirsanaa Al-Shabaab, kadib markii gantaal lala eegtay gaari uu saarnaa.

Ma shaacin afhayeenku magaca sarkaalkaasi, balse wuxuu tilmaamay inuu ka mid ahaa xubnaha sar sare ee Al-Shabaab.

Hadalkan ayaa ku soo aadaya, iyadoo Africom sheegtay in duqeyn ka dhan ah Al-Shabaab ay ka fulisay gobolka Jubbada Dhexe, walow aysan shaacin khasaaraha.

View the full article

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this