Sign in to follow this  
Deeq A.

Sarkaalkii baarayey weerarkii Hotel Dusit oo geeriyootay

Recommended Posts

Deeq A.   

Dowladda Kenya ayaa xaqiijisay geerida Monica Wambui Githaiga oo aheyd sarkaalkii ugu sarreeyey baaritaanka weerar Al-Shabaab horraantii sanadkaan ka fulisay Nairobi.

Monica Wambui Githaiga oo aheyd xubin sare oo ka tirsan sirdoonka Kenya ayaa u geeriyootay xanuun degdeg ah oo ku yimid daqiiqado ka hor markii ay ka soo degtay garoonka Jommo Kenyatta, iyadoo ka timd dhankaa iyo dalka Japan.

Haweeneydaan ayaa hogaamineysay saraakiil ka tirsan sirdoonka Kenya, kuwaas oo baaritaan iyo dabagal ku hayey weerarkii hotelka Dusit ee ay geysatay Al-Shabaab.

Weerarkaasi oo ka mid ah kuwii ugu khasaaraha badnaa ee Al-Shabaab ay ka fuliso gudaha Kenya ayaa waxaa ku geeriyooday ku dhowaad 21 ruux oo ay ku jireen dad ajaaniib ah.

Booliiska dalka Kenya ayaa sheegay in ay baaritaan dheeri ah ku sameyn doonaan geerida Monica Wambui Githaiga, islamarkaana ay faah faahin dhameystiran ka bixin doonaan.

View the full article

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this