Deeq A. Posted December 2, 2019 Ciidamada ammaanka ee magaalada Boosaaso ayaa markale xabsiga dhigay siyaasiga caan ka ah Muuse Cali Jaamac, kaas oo si weyn uga soo horjeeda xukuumadda Deni. Siyaasiyagaan ayaa waxaa lagu eedeeyey inuu ka qeyb galal shir ka dhan ah Puntland oo Jimcihii lagu qabtay gudaha magaaladaasi. Xariga Muuse Cali Jaamac ayaa sidoo kale daba socda tiro siyaasiyiin iyo odayaal habeenadii la soo dhaafay lagu xiray magaalada Boosaaso ee xarunta gobolka Bari. Waa markii labaad ee la xirayo siyaasigan oo si weyn u dhaliila xukuumadda Puntland, isagoona dhowaan xabsiga laga sii daayey, kaddib markii lagu waayey wax dambi ah. View the full article Share this post Link to post Share on other sites