Sign in to follow this  
Deeq A.

Dowlad Goboleedka Jubbaland Oo Ka Hadashay Duqeyn Ka Dhacday Jilib, J/dhexe

Recommended Posts

Deeq A.   

Dowlad goboleedka Jubbaland ayaa ka warbixisay duqeyn ay diyaarado dagaal maalin kahor ka geysteen degmada Jilib ee gobolka Jubbada Dhexe.

Cabdinuur Ibraahim Xuseen, Afhayeenka wasaaradda amniga Jubbaland oo warbaahinta ugu warramay Kismaayo ayaa sheegay in duqeyntan lala eegtay gaadiid uu la socday sarkaal sare oo Al-shabaab ah, halkaasina uu ku dhintay.

Afhayeenka ayaan sheegin magaca sarkaalkan la diley, iyo wuxuu u qaabilsanaa Al-shabaab balse uu hadalkiisa kusoo koobay in sarkaalkaasi uu laf dhabaru ahaa Al-shabaab, waa sida uu hadalka u dhigaye.

Duqeyntan waxaa fuliyey diyaaradaha Maraykanka, iyadoo war kasoo baxay AFRICOM lagu xaqiijiyey oo kaliya duqeyntan dhacday, balse aan la sheegin cidda lagu diley.

Warkaan wixii kusoo kordha kala soco wararkeena kale

Goobjoog News

Source: goobjoog.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this