Deeq A. Posted December 2, 2019 Muqdisho (Caasimada Online) -Duqa Muqdisho, Cumar Maxamuud Maxamed (Filish) ayaa guddoomiye u magacaabay degmada Shangaani ee gobolka Banaadir. Wareegto ka soo baxday xafiiska guddoomiye Cumar Filish ayaa waxaa xilkaasi loogu magacaabay, Aweys Camuudi sida ay ogaatay shabakadda Caasimada Online. Camuudi ayaa bedalaya, Allaha u naxariistee guddoomiyihii hore ee maamulka degmada Shangaani, marxuumad Sahra Markeyzi oo ka mid aheyd mas’uuliyiintii ku dhintay qaraxii ka dhacay xarunta maamulka gobolka Banaadir 24-kii July ee 2019-ka. Wararka ayaa sidoo kale intaasi ku daraya in guddoomiyuhu maalmaha soo socda uu magacaabi doono guddoomiyeyaasha maamullada degmooyinka Waaberi iyo Cabdicasiis oo iyaguna ku dhintay qaraxii ismiidaaminta ee ka dhacay xarunta dowladda hoose ee Xamar. Arrintan ayaa qeyb ka ah mid uu Duqa Muqdisho ku dar dar gelinayo howlaha shaqo ee uu wado maamulka gobolka Banaadir. Dhowaan guddoomiyaha gobolka, Cumar Filish ayaa shaaciyey inuu xilka ka qaadi doono guddoomiyihii wax ka qaban waayo amniga degmadiisa, uuna u magacaabi doono sarkaal ciidan oo Milatari ah, kaas oo wata gaari Cabdi Bile, sida uu hadalka u dhigay. Share this post Link to post Share on other sites