Deeq A. Posted December 2, 2019 Agaasimaha guud ee wasaaradda deegaanka horumarinta reer miyiga iyo kheyraadka dabiiciga ee Somaliland, Mudane Cabdirisaaq Jaamac Nuur oo la hadlayey warbaahinta ayaa uga digay ajaabiibta ku sugan deegaanada maamulka inay ku xadgubaan sharciga. Cabdirisaaq ayaa sheegay in cidkasta oo jabisa shuruucda Somaliland la ganaaxi doono, islamarkaana laga qaadi doono tallaabo waafaqsan sharciga. Dhowaan ayey aheyd markii Somaliland ay xabsiga dhigtay 9 nin oo dhalasho ahaa ka soo jeeda dalka Imaaraadka Carabta, kuwaas oo howlo ugaarsi ka waday maamulkaasi. Halkan hoose ka dhageyso codka. https://www.radioshabelle.com/wp-content/uploads/2019/12/Cod-jaamac-.mp3 View the full article Share this post Link to post Share on other sites