Sign in to follow this  
Deeq A.

Puntland oo markale xabsiga dhigtay siyaasiga Muuse Cali Jaamac

Recommended Posts

Deeq A.   

Boosaaso (Caasimada Online) – Wararka naga soo gaaraya gobolka Bari ayaa sheegaya in markale la xiray siyaasiga Muuse Cali Jaamac oo ka mid ah siyaasiyiinta caanka ah ee ka soo jeeda deegaanada dowlad goboleedka Soomaaliyeed ee Puntland.

Ciidamada ammaanka ayaa saacadihii la soo dhaafay xabsiga u taxaabay siyaasigaasi oo ku sugnaa magaalada Boosaaso ee xarunta gobolka Bari.

Xariga siyaasiga Muuse Cali Jaamac ayaa waxa uu ka mid yahay tiro iyaasiyiin ah iyo odayaal habeenadii la soo dhaafay lagu xiray gudaha magaaladaasi.

Xubnahan ayaa waxaa lagu eedeeyey inay ka soo horjeedaan maamulka uu hoggaamiyo Madaxweyne Siciid Cabdullaahi Maxamed (Deni) iyo heshiiskii Puntland ay la gashay shirkadda DP World ee hadda maamusha dekedda magaalada Boosaaso ee gobolka Bari.

Sidoo kale xariga waxgaradkaan ayaa daba socda, kadib markii shirar ka dhan ah Puntland ay ku qabteen Boosaaso, kuwaas oo lagu dhaliilayey hoggaanka maamulkaasi.

Muuse Cali Jaamac oo si weyn mucaarad ugu ah xukuumadda Deni ayaa ah markii labaad ee la xiro, iyadoo dhawaan xabsiga laga sii daayey,markii lagu waayey dambi.

Arrintan ayaa waxa ay uga sii dareysaa xiisada ka taagan maamulka Puntland, gaar ahaan gudaha magaalada Boosaaso, taas oo ka sii dareysa marba marka ka dambeysa.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this