Sign in to follow this  
Deeq A.

Puntland oo mar kale xabsiga dhigtay Siyaasiga Caanka ah ee Dr Muuse Cali Jaamac

Recommended Posts

Deeq A.   
Muuse-Cali-Jaamac.jpg?w=1000&ssl=1Dr Muuse Cali Jaamac

Ciidamada Amniga gobolka Bari, ayaa mar kale xabsiga dhigay siyaasiga Caanka ah ee Dr. Muuse Cali Jaamac, kadib markii isaga iyo odayaal kale  ay Jimcihii la soo dhaafay dhaliilo kala duwan u jeediyeen xukuumadda Puntland.

Siyaasi Muuse Cali Jaamac, ayaa duhurnimadii Shalay ciidamada Amnigu ka qabteen gudaha magaalada Boosaaso ee xarunta gobolka Bari, waxaana ay markiiba u dhaadhiciyeen xabsiga weyn ee Boosaaso, sida ay xaqiijiyeen saraakiil ka tirsan laamaha Amniga oo diiday in la xigto magacyadooda.

13 October ee sannadkan ayaa sidaan oo kale  Boosaaso loogu xiray Siyaasi Muuse Cali Jaamac, kadib markii isaga iyo odayaal kale dhaliilo u jeediyeen xukuumadda Puntland, balse saddex maalmood kadib 16 October ayaa la sheegay in lagu sii daayay cafis-maxkamadeed.

 Dhinaca kale, ciidamada ayaa Sabtidii sabsiga u taxaabay, laba Nabaddoon oo kamid ahaa odayaashii  xukuumadda ku dhaliilay, in ay shirkado laga leeyahay Imaaraadka Carabta ku wareejisay garoonka diyaaradaha Boosaaso, wakaaladda Xoogga Korontada ENEEYE iyo Maxjarka Xoolaha.

Odayaashu waxa kale oo ay xukuumadda u soo jeediyeen, in ay ka baxdo Heshiiska DP World ee ballaarinta iyo dhismaha dekedda Boosaaso, kaasi oo ay sheegeen in aan waxba ka fulin mudadi shirkaddu gacanta ku haysay dekeddaasi.

PUNTLAND POST

The post Puntland oo mar kale xabsiga dhigtay Siyaasiga Caanka ah ee Dr Muuse Cali Jaamac appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this