Sign in to follow this  
Deeq A.

Somaliland oo soo dhoweysay ciidamo la sheegay in ay ka goosteen dhinaca Puntland

Recommended Posts

Deeq A.   

Wasiirka cusub ee Warfaafinta Somaliland, Saleebaan Yuusuf Cali Koore, ayaa degmada Taleex ee gobolka Sool ku soo dhaweeyay, ciidamo uu wasiirku sheegay in ay ka soo goosteen dhinaca Puntland.

Wasiirka oo Warbaahinta kula hadlay halkaasi, ayaa sheegay in ay soo dhaweynayaan ku dhowaad 150 askari oo ka soo goostay ciidamada Puntland ee ku sugan gobolka Sool, gaar ahaanna degaanka God-qaboobe oo ka tirsan Tukaraq.

Mudane Koore, ayaa sidoo kale sheegay in ciidankaasi oo sida uu xusay ku hubaysan gaadiidka dagaalka ay ku biireen ciidamada Somaliland ee gobolka Sool, isago ballan-qaaday in ay heli doonaan xuquuqdooda oo dhammaystiran.

Sidoo kale, Gaashaanle sare Cali Diiriye Baalle oo hoggaaminayay ciidankaasi, ayaa sheegay in ay ka soo goosteen ciidamada Puntland, wixii hadda ka dambeeyana ay daacad u noqon doonaan maamulka Somaliland.

Dhankeeda, Puntland ayaan weli wax war ah ka soo saarin ciidanka lagu soo dhaweeyay degmada Taleex oo Somaliland sheegtay in ay ka soo goosteen Puntland.

Hoos ka daawo muuqaalka iyo sawirada

  • 1-2.jpg?w=1000&ssl=1
  • 2-1.jpg?w=1000&ssl=1
  • 3-1.jpg?w=1000&ssl=1
  • 4-1.jpg?w=1000&ssl=1
  • 5-1.jpg?w=1000&ssl=1
  • 6-1.jpg?w=1000&ssl=1
  • 7-1.jpg?w=1000&ssl=1
  • 8-1.jpg?w=1000&ssl=1
  • 9-1.jpg?w=1000&ssl=1
  • 10-1.jpg?w=1000&ssl=1
  • 11-1.jpg?w=1000&ssl=1

PUNTLAND POST

The post Somaliland oo soo dhoweysay ciidamo la sheegay in ay ka goosteen dhinaca Puntland appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this