Sign in to follow this  
Deeq A.

Kheyre: Shabaab 11 jeer ayey soo weerareen hal waddo

Recommended Posts

Deeq A.   

Muqdisho (Caasimada Online) – Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Xasan Cali Kheyre oo maanta Muqdisho ka furay shir weynaha qaran ee dhalinyarada Soomaaliyeed ayaa ka hadlay arimo dhawr ah oo ay ka mid tahay caqabad uu sheegay inay Al-Shabaab ku hayaan dhismaha wadada xariirisa Muqdisho iyo Afgooye.

Kheyre ayaa sheegay in dhismaha wadaas lagu soo gab-gabayn doono muddo labo bil gudahood ah, taas oo fududeyn doonta sida uu sheegay khudaarta iyo adeegyada kale ee iskaga gudba gobolka Shabeellada Hoose iyo magaalada caasimadda ah ee Muqdisho.

“Intii dhismuhu ku socday wadada xariirisa Muqdisho iyo Afgooye waxay argagixisadu soo weerartay in ka badan 11 mar, wado loo dhisaayo shacabka Soomaaliyeed qofka raba inuu hor istaago diin nalama wadaago, dal nalama wadaago, calana nalama wadaago waa inaan iska celinaa hadii aan Soomaali nahay” ayuu yiri R/Wasaare Kheyre.

Ra’iisul wasaaraha ayaa soo hadal qaaday dib u habeynta ciidamada qalabka sida ee Soomaaliya, isagoo dhalinyaradii ka soo qeyb gashay kulanka ku dhiira galiyey inay yihiin milkiilayaashii dalkaan, sidaas darteedna looga baahanyahay inay ka qeyb qaataan suulinta musuq maasuqa oo uu sheegay inuu yahay midka la degay dalka.

“Intuu musuq maasuq dalka ka jiro cadaalad jiri meyso, kala dambeyn jiri mayso, inta musuq jiro dowlad xoog lihi dhalan mayso, argagixisadana kama adkaa doono, waxaan rajeynaa inaad u soo jeesa doontaan isla xisaabtan iyo suulinta musuqa, si aad uga *****saan lahaan shaha dalkan” ayuu yiri Kheyre.

Shirkaan oo ay ka qeyb galeen dhallinyaro Soomaaliyeed ayaa waxaa soo qaban-qaabisay wasaaradda dhallinyarada iyo cayaaraha ee xukuumadda Soomaaliya, waxuuna socon doonaa muddo afar maalmood ah.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this