Sign in to follow this  
Deeq A.

PUNTLAND Oo Dallacsiisay Sarkaal Cudurka HIV/AIDS Ay Qaadsiisay Xaaskiisu

Recommended Posts

Deeq A.   

(SLT-Garoowe)-Digreeto ka soo baxday Madaxweyne ku xigeenka Puntland Axmed Karaash ahna kusimaha madaxweynaha ayaa Gaashaanle loogu dalacsiiyey Bashiir Cismaan Cawad oo hore u ahaa Kabtan.

Bashiir.jpg

Bashiir oo ah Taliyaha kantaroolka Galbeed ee magaalada Garowe ayaa dhiirigaliya dadka la nool cudurka HIV/AIDS oo bulshada dhexdeeda badanaa kala kulma takoor.

Wareegtada ayaa u qroneyd.

Madaxweyne Ku-xigeenka Puntland Markuu arkay:- Dastuurka D Puntland Markuu arkay: Kartidiisa, Aqoontiisa iyo Hawl-karnimadiisa Ciidanimo

Wuxuu Xeeriyey

Waxaa Dhamme Bashiir Cismaan Cawed loo dalacsiiyey derajada Gaashaanle
Dhamme Bashiir Cismaan Cawed ayaa sidoo kale ah Taliyaha Saldhigga Galbeed ee Garoowe, waxaana cudurka HIV/AIDS ku riday xaaskiisa.

Xeerkani wuxuu dhaqangelayaa markuu Madaxweyne Ku-xigeenka Puntland, Ahna Ku-simaha Madaxweynaha uu saxiixo, wuuna saxiixay Madaxweyne Ku-xigeenku.

Dalacsiinta sarkaalkan ayaa ku soo beegantay maanta oo dunida looga aqoonsaday maalinta cudurka dilaaga ah ee AIDSka. Gaashaanle Bashiir Cawad ayaa ah Taliyaha Saldhigga Galbeed ee Garoowe.

Source

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this